HomeWarkiiDhaq-dhaqaaqyada Alshabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Sh.dhexe

Dhaq-dhaqaaqyada Alshabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Sh.dhexe

Wararka laga helaayp Degmada Masaajid Cali Gaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda Alshabaab inay isku urusanayaan deegaanka Towfiiq lagu magagaaco oo dhaca duleedka Magaaladaasi.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay qorsheynayaan inay weeraraan oo qabsadaan laba deegaan oo istaraatiiji u ah Ciidamada Dowlada Somalia kuwaasoo kala ah Wargaadhi iyo Nuur-Dugle waliba waxay aad u daneynayaan Wargaadhi oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada Dowlada ee shaberelaha dhexe kadib qabasashadii Aadan Yabaal.

Maleeshiyaad badan oo ay meelo kala duwan ka soo urursheen ayay ku soo dhurayaan deegaanka Towfiiq oo ku dhaq Masaajid Cali Gaduud oo dhawaan ay ka qabsadeen ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Xooga dalka ee ku sugan Wargaadhi ay badan yihiin islamarkaana ku filan inay iska difaacaan Alshabaab hadiiba weerar ka yimaado walow inta badan taageerayaasha Dowladu ku taliyaaan in Alshabaab laga hor tagointii maalo ama deegaan kasta lagu sugo iyadoo la ogyahay inay weerar soo yihiin.

Magaalada Aadan-Yabaal inteysan qabsan Alshabaab warbaahinta iyo baraha bulshada waxaa lagu baahiyay in Alshabaab weerar ku soo soo yihiin magaaladaasi islamarkaana ay u diyaar garoobeen sidii ay u qabsan lahaayeen waana dhacday ugu dambeyn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -