=XIGASHO BBC SOMALI=
Sagaal qof oo la sheegay in qaar Soomaali yihiin ayaa laga dhex helay kunteenar badeecooyin ay ku raran yihiin dekadda Rosslare Europort ee dalka Ireland. Dadka ayaa kunteenar-ka ku jiray muddo afar maalmood ah ka hor inta aysan xiriir la sameyn mas’uuliyiinta halkaasi si loo caawiyo.
Subaxdii Isniinta ayaa halkaasi laga soo badbaadiyay tahriibayaasha.
Ciidamada xeebaha dalka Ireland ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdadaan iyo sida dadkaan loogu soo qariyay kunteenarka oo halis galiyay naftooda.
Ilaalada xeebaha Ireland ayaa sheegay in ay ka soo kala jeedaan tahriibayaashaan dalalka Soomaaliya iyo Ereteriya.
Dhammaantood waxay da’doodu u dhaxaysaa sida la sheegay 16 iyo 27. Siddeed qof ayaa caafimaadkoodu wanaagsan yahay laakiin hal nin ayaa u baahday daaweyn isbitaal sida la soo wariyay.
“Mid ka mid ah tahriibayaasha ayaa teleefoon diray kadibana booliska waxay ogaadeenna in halkaa sagaal nin ku jiraan, labo nin ayaa la daweyay mid kalana isbitaalka ayaa loo qaaday,” ayuu yiri Cabdicasiis Axmed Muuse oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Ireland isla markaana waxaa uu ka tirsan yahay xafiis caawiya bulshada.
BBC-da ayaa waydiisay waxa ay ka ogyihiin ilaa iyo hadda inta qof ee Soomaalida ah, waxaana uu ku jawaabay: Ilaa iyo hadda wax warbixin ah kama hayno booliska ayaa arrinta gacanta ku haya, kolley haddii Soomaaliya ay ku jiraan turjumaanno ayay u baahan doonaan oo waxaa laga yaabaa in ay nala soo xiriiraan,” ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdicasiis.
Waxaa la fahamsan yahay in welwelka laga qabay dartii caafimaadka ninkan ay tahay mid ka mid ah sababaha ay qaarkood ula xiriireen adeegyada degdegga ah ka hor inta aan la ogaan.
Ciidamada ilaalada xeebaha Ireland oo wada baaritaan arrintaan ku saabsan ayaa muujiyay kalsooni ah in dadkaan ay soo tahriibiyeen mukhalasiin fadhigoodu yahay Afrika iyo Yurub.
“Booliska ayaa haya oo raggii su’aalo waydiinaya,” ayuu yiri Cabdicasiis. Baaritaanka socda ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu ogaado halka dadkaan looga soo qaaday kunteenerka iyo dadka ku gacan siiyay in ay Ireland galaan.
Mukhalasiinta ku gacan siiyay tahriibayaasha safarka sharci darrada ah ayaa la sheegay in ay ku war galiyeen in la gayn doono dalka Ingiriiska, balse taa baddelkeeda ay Ireland aya ala geeyay, waxayna bixiyeen lacag ka badan 2,000 oo Yuuro.
Wararka kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in lix ka mid ah sagaalka qof ee kunteenerka laga soo badbaadiyay oo loo diiday in ay gudaha u galaan Ireland, dib loogu celiyay dalka Faransiiska, halka mid ka mid ahna laga baaraan-dagayo in dib u dejin la siiyo iyo in kale.
Labo kale oo da’doodu ay yar tahay ayaa iyagana la dabiibayaa oo lagu hayaa goob caafimaad oo ku taalla Ireland.
Sababta Faransiiska loogu celiyay ayaa muujinaysa in markii horeba ay halkaasi ahayd halkii Kunteenerka looga soo qaaday.
Dhacdadaan ayaan ahayn mid cusub oo dhowr jeer oo hore ayaa dad muhaajiriin ah waxaa si qarsoodi ah lagu galayay Ingiriiska iyo Ireland, kuwaas oo qaarkood doomo ay saarnaayeen ay kula qallibmeen kanaalka u dhaxeeya UK iyo Faransiiska.
Sanadkii 2023, dalka Ingiriiska ayaa kaalinta shanaad uga jiray dalalka ugu badan ee laga codsaday magangalyada, waxaana muhaajiriintii xilligaas ay gaarayeen 329,035 qof.
Jarmarka ayaa ka mid ahaa dalalkii helay codsiyadii ugu badnaa ee uga yimaada muhaajiriinta.
Dalka Spain ayaa kaalinta labaad ee ugu sareysa ku jiray xilligaas waxaana iska dhiibay dad gaarayay 160,460 qof, waxaana ku soo xigay Faransiiska oo ay galeen 145,095 qof, halka Talyaaniguna qaabilay dad magangalyo doon gaarayay 130,565 qof.
=XIGASHO BBC SOMALI=