NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Dhacdadaan waa mid ka mida kuwa ugu yaabka badan ee Afrika lagu arko kadib markii maxkamad Dalka Kenya ku taal mar kaliya ay ka dhex bilaabatay is rasaaseyn dhimasho iyo dhaawac sababtay.

Hadaba sheekadaan waxay quseysaa Askari Taliye ka ah Saldhig Booliis oo ku yaal Magaalada Londiani ee Galbeedka dalka Kenya oo xaaskiisa la soo taagay Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Advertisement

Eedeymihii loo heystay markii uu garsooruhu go’aanka ku dhawaaqay ee uu xukumay haweeneyda ayaa waxaa arintaasi ka carooday sarkaalkaasi Booliiska ah wuxuuna markliiba la soo baxay qorey kadibna wuxuu si degdeg ah u toogtay garsoorihii xaaskiisa xukumay.

Markii uu Maxkamada horteeda ka dhacay falkaasi waxaa markiba ka jawaabay askari ka tirsanaa ilaalada Maxkamada wuxuuna isna toogtay askarigii garsooraha xabada ku dhuftay.

Garoorka dhaawac ayaa sinta ka gaaray laakiin ninka sarkaalka booliiska ahaa wuxuu u dhintay rasaastii askariga kale uu ku dhuftay ,sidoo kale sedex askari ayaa ku dhaawacmay is rasaaseynta maxkamada ka dhex dhacday.

Warbixin Booliiska Kernya ay soo saareen ayay ku sheegeen in  Guud ahaan maxkamada toogashada ka dhacday uu ku  dhintay sarkaalka booliiska ah kaasoo lagu magacaabi jirey Samson Kipchirchir Kipruto, sidoo kalana ay  ku dhaawacmeen Garosrihii Maxkamada iyo sedex askari.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Garowe Online - Kenya: Askari toogasho ku dilay dad ay... | Facebook

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here