Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay si wadajir ah isaga kaashadeen Dowladda iyo Dadka deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaan kana dhacay Gobolka Hiiraan lagu dilay xubno katirsan ‘AS’
Howlgalkaan waxa uu si gaar ah uga dhacay Deegannada Beerayabaal iyo Aboorey oo hoostaga Degmada Buulo burte Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay sawirrada maydadka xubno katirsan ‘AS’ oo dagaalkaas ay ku dishay, waxa ay sidoo kale shaacisay in ay furatay hubkii ay ku dagaalameen xubnhaas sida hadalka loo dhigay.
Gobolka Hiiraan DG Hir-Shabeelle waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah ‘AS’ iyada maalinba maalinta ka dambeysa sii adkaanayo, Dowladda Federaalka Soomaliya waxa ay ku xoojisay ciidamo cusub oo dheeraad ah.