MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shacabka ku dhaqan Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir ayaa maanta usoo baxay inay isu diiwaan geliyaan doorasho qof iyo cod ah oo Dowladu qorsheyneyo inay dalka ka dhacdo.
Reer Shangaai ayaa si mug weyn isusgu soo baxay inay isdiiwaan geliyaan si ay uga qeybqaataan doorashooyinka heer degmo oo lagu wado in hada kadib shacabku doortaan gudoomiyihii ay rabaan.
Masuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo ku xigeenka dhanka siyaasada Maxamed Yabooh ayaa gaaray goobta ay isku diiwaan gelinayeen shacabka.
Sidoo kale waxaa goobta yimid Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka,iyo Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho Mr Amiir ayaa noqday muwaadinkii ugu horeeyay ee is diiwaan geliya taasoo dhanka kalana ahayd furitaanka barnaaminka is diiwaan gelinta shacabka oo markii ugu horeysay maanta laga bilaabay Muqdisho tan iyo Dowladihii rayidka ee dalka soo maray.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM