Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Axmed Siciid Maxamed ayaa degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ka xarig jaray dhismaha bar-xuduudeedka Balanbale.

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Axmed Siciid Maxamed oo ka hadlay munaasabadda xarig jarka ayaa sheegay in dhismahaan maanta la xarig jaray uu qayb ka yahay qorshaha lagu dhisayo bar-xuduudeedyo lagula socdo dhaqdhaqaaqa xuduudaha aan la wadaagno wadamada dariska la ah dalkeena, ujeedka ugu wayn uu yahay in hab sharci ah lagu soo galo dalka lagana taxadaro in siyaabo aan sharci ahayn looga soo gudbo xuduudka.

Madaxwaynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa uga mahadceliyay Madaxda HSJ dedaalka ay galiyeen dhameestirka dhismahan oo noqon doono bar lagala socdo dhaqdhaqaaqa xuduudka gobolka Galgaduud uu la wadaago ethiopia, waxa uu sidoo kale sheeg qayb ka qaadaneeso amniga deegaanka.

Saraakiisha Socdaalka ee ku sugan Bar-xuduudeedyada dhulka waxa ay hubiyaan dokumintiyada ay ku safrayaan dadka u socdaalaya gudaha dalka iyo kuwa ka baxayaba, waxana ay qayb ka qaadanaysaa in aan si dhuumaalaysiya looga soo gudbin xuduudkA.
May be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of textNo photo description available.May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 9 peopleMay be an image of 2 people and carMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here