Ciidanka Booliiska degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa goor dhow gacanta ku dhigay mid kamida dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo Bam gacmeed ku tuuray bar kantarool oo ay Booliisku ku lahaayeen bartamaha suuqa ee degmada Afmadow.

Majiraan cid wax ku noqotay bamka ay dhagarqabayaasha ku tuureen goob ay ciidamada Booliiska kala socdaan dhaqdhaqaaqa suuqa degmada Afamdow ee gobolka Jubada hoose.

Dhawaan ayaa lagu wadaa saraakiishu faah-faahin ka siiyaan saxaafada ninka ay qabteen ,sidoo kale waxaa lagu wadaa in sharciga la hor keeno.
May be an image of twilight and horizon
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here