MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw hortagay Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta uu ka socday shir aan caadi ahayn loogana hadlayo masiira dalka.
Madaxweynaha oo dhawaan casha sharaf u sameeyay xildhibaanada labada aqal ayaa maantana ka codsaday baarlamaanka inay hal bil shaqada sii wadaan si arimo muhiim ah xildhibaanadu u meel mariyaan ama shaqo u dhimaneyd u dhameystiraan.
“Si dalka u qaado hal waddo oo siyaasadeed doorasho qof iyo cod ahna u dhacdo waa inaad dib u dhigtaan Mudo hal bil ah fasixiina oo ansixisaan sharciyada doorashada” ayuu yiri madaxweyne Xasan
intaas kadib Madaxweynaha ayaa la sagootiyay kadibna waxaa loo fadhiistay codeynta aqbalaada codsiga madaxweynaha ee ah in Baarlamaanka labadiisa aqal hal bil shaqadooda ku daraan madaama kalfadhigoodii caadiga dhamaaday islamarkaana ay fasax galayaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa xildhibaanada u soo jeediyay qaabka ay rabaan inay arintaan uga fal celiyaan kadibna waxaa baarlamaanka buur ku furey xildhibaano tiro yar.
Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa xildibaanadaasi kala dooran siiyay in marka hore loo codeeyo in dood la geliyo codsiga qaabka lagu meel marinaayo ama lagu diidaayo ama in xildhibaaanadu u kala codeeyaan maya iyo haa codsiga madaxweynaha laakiin nasiib daro xildhibaanadaasi waxay diideen inay marka hore fadhiistaan.
Intaasi kadib Gudoomiyaha ayaa go’aan qaatay wuxuuna ka dalbaday xildhibaanada inay gacanta taagaan inta aqbashay codsiga madaxweynaha waxaana ogolaatay aqlabiyada inta ugu badan xildhibaanada halka kuwii diidanaa ay aad u yaraadeen sidoo kale ma jirin wax ka aamusay.
Guud ahaan xildhibaanada fadhiyay labada aqal ayaa ahaa 193 waxaa codkooda siiyay aqabalaada madaxweynaha 181 halka 12 ay ka diideen mana jirin wax ka aamusay.
Gudoomiyaha ayaana natiijadaasi ku dhawaaqay isagoona sii raacsaday in shirku sidaas ku xiran yahay islamarkaana uu aqbal yahay codsigii Madaxweynaha xili mudanayaashii mucaaradka ahaa ay buuq wadeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM