BEIRUT (DAYNIILE.COM)-Ururka Xisbullah ee ka jira Dalka Lubnaan ayaa goor dhaw xaqiijiyay in la dilay Hogaamiyahoodii Hassan Nasrallah kadib duqeymo weerar duqeymo ah oo kaga yimid ciidamada Cirka Israa’iil.

Weerarka lagu dilay Hogaamiye Hassan Nasrallah ayaa ku dhacay xaafad ay dadku ku badan yihiin oo ku taal Beirut kaas oo burburiyay dhismayaal badan oo la dego.

Advertisement

Bayaan ay soo saartay kooxda Lubnaan ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonto iska hor imaadka ay ku dooneyso inay ku taageerto Gaza iyo difaaca Lubnaan.

Hogaamiyaha ugu sareeya Iran ayaa sheegay in xasuuqa dadka aan isdifaaci karin ee Lubnaan ay cadeyn u tahay siyaasada aragtida gaaban ee Israel.

Duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka geysaneyso qeybo kala duwan oo ka tirsan Lubnaan ayaa socda ilaa subaxnimada saaka ah taasoo  qasabtay inay sii kordhaan tirada qoysaska ka cararaya guryahooda.

lama oga talaabada ay qaadi doonaan Ururka Xisbullah oo aad u hubeysan madaama la dilay Hogaamiyahoodii ugu sareeyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Shiikh Xasan Nasrallah oo kashifay caqliga uu Trump u adeegsado inuu boobo hantida dalalka CARABTA

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here