HomeWarkiiDEG DEG: Taliyihii Guutada 14 October oo goor dhaw la toogtay

DEG DEG: Taliyihii Guutada 14 October oo goor dhaw la toogtay

No description available.
AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in askari Dowlada Somalia ka tirsan uu goor dhaw toogtay Taliyihii Guutada 14 October Alle ha unaxariisto Nuur Maxamed Gaaboow  (Nuur Fareey).
Wararku waxay tilmaamayaan in toogashu dhacday xili uu hadalo u jeedinayay ciidamo guutadaasi ka tirsanaa deegaan lagu magacaabo Caddow Diballe oo u dhexeeya Degmada Afgooye iyo deegaanka Laanta-buure.
Askariga dilay ayaa la sheegayaa inuu ilaaladiisa uu ka tirsanaa lamana cadeyn wali sababta keentay inuu Taliyihiisa toogto.
Taliye Nuur Fareey oo muhiim u ahaa dagaalka Alshabaab ayaa xiliyadaan danbe ku sugnaa Gobolka  Shabeellada hoose oo ay ka socdaaan dagaalo lagula jiro maleeshiyaadka kooxda Alshabaab.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya falka dilka kadib kuwaasoo qaarkood sheegayaan in markiiba dilaaga isna ciidamadu toogteen halka warar kalana sheegayaan in la qabtay.

Sidoo kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in askariga dilka geystay inuu ahaa Alshabaab ciidamada ugu jirey sidii uu mar u geysan lahaa fal nuucaan oo kale ah inkastoo aan wax cadeyn ah loo heyn.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -