HOBYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab uu isku soo dhiibay Ciidamada Booliiksa Magaalo xeebeedka Hobyo.
Sarkaalkaan isa soo dhiibay ayaa ah Madaxii maaliyada Gobolka Mudug ee Alshabaab Cabaas Al-Amiin xuseen kadib markii uu xiriiir la soo sameeyay Magaalada Hobyo.
Ciidamada soo dhaweeyay Sarkaalkaan waxaa hor kacayay Taliyaha Saldhiga Booliiska Hobyo Maxamed Cadceed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sarkaalkaani iskiis u go’aansaday inuu ka soo goosto Alshabaab,wuxuuna ka tagay deegaanka jawle ee Gobolka Mudug.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement