MUQDSHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw oo duhurkii ah Muqdisho ka dhacay Qarax weyn kaasoo loo adeegsaday gaari walxaha qarxaha laga soo buuxiyay.

Gaariga ayaa ku qarxay dhabarka danbe ee Guriga hooyooyinka oo ku yaal degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho,lama oga cida bartilmaameedka ahaa inkastoo goobta ay ku taal maqaayad weyn oo laga cunteeyo.

Advertisement

Qaraxa wuxuu saameeyay sida wararka qaar sheegayaan dad shacaba oo qaarkood wadada marayay kuwaasoo saarnaa gaadiidka kala duwan sida bajaajta oo kale.

Dhimshada hal gabar ayaa la sheegay inuu jiro iyo dhaawac ilaa iyo 5 ruux sida ay sheegeen dadka tagay goobta qaraxa.

Gurmad ayaa socda xili wali uu gubanayo gaarigii qaraxa loo adeegsasday kaasoo holac iyo uuro madow intaba bixinaya,sidoo kale ciidamada Dowlada ee goobta durba gaaray ayaa rasaas aan badneyn ridaya lamana inay shacabka uga celinayaan goobta qaraxa iyo in kale.

Dhanka kale saraakiisha Booliiska ayaa durba bilaabay inay kala xaqiijiyaan gaariga qarxay in lagu xirey isagoo meesha yaal ama in isaga lagu soo diyaariyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here