HARGEYSA (DAYNIILE)-Wararka laga helaayo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in goor dhaw caawa ah uu halkaasi ku geeriyooday Madaxwaynihii hore ee Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Sida ay warbaahinta u cadeeyeen xubno ka tirsan qoyskiisa, Masuulkaani ayaa caawa geeriyooday.
Advertisement
Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo Rabi ha u naxariistee wuxuu ahaa Madaxwaynihii 4-aad ee maamulka Somaliland loo doortay inuu hogaamiyo intii u dhaxaysay Sanadadii 2010 ila 2017-kii.
Dhanka kale masuulkaani waxaa lagu wadaa in Isniinta aas qaran loogu sameeyo Magaalada Hargeysa oo ah xarunta Maamulka Somaliland sida masuuliyiinta maamulkaasi cadeeyeen.
Maalinta uu aasku dhacaayo waxaa lagu wadaa in Madaxda sar sare ee Maamulkaani iyo madaxda xisbiyada iyo shacabkaba inay aaska ka qeybgalaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement