NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweyne xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa goor dhaw xilka laga xayuubiyay madaama maalmihii ugu danbeeyay  culeys uu saarnaa oo aadna loo sii sheegay in xilka ka qaadis ay ku soo socoto.

Baarlamaanka Kenya ayaa  cod buuxa xilka kaga qaaday markii dhawaan dacwad laga soo gudbiyay  Madaxweyne Kuxigeenka Kenya Rigathi Gachagua.

Advertisement

Madaxweynaha Kenya Ruto oo awalba soo magacaabay ayay isku kacsanaayeen bilihii ugu dabeeyay iyadoo warbaahintu xustay in Madaxweyne xigeenku aqimo qabiil kicin ah ku howlanaa tan iyo markii uu bilowday khilaafka kala dhexeeya Ruto.

Maalin ka hor ayay ahayd markii wakaaladaha wararka qaarkood soo dusiyeen warqad uu Madaxweyne Kuxigeenka Kenya Rigathi Gachagua raali gelin ku siinayay madaxweynaha Kenya iyo shacabka kenya isagoo dalbanayay in la cafiyo hadii siyaasadihiisa iyo hadaladiisaba qalad loo arkay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here