HomeCiyaarahaDEG DEG: Luka Modric oo noqonaya Mulkiile Koox caan ah

DEG DEG: Luka Modric oo noqonaya Mulkiile Koox caan ah

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid, Luka Modric, ayaa la xaqiijiyay inuu noqonayo milkiile ka tirsan kooxda Swansea City ee dalka Wales.

Modric, oo u dhashay dalka Croatia una dabaaldegaya dhalashadiisa 40-aad bisha Sebtembar, ayaa go’aansaday inuu iibsado saamiyo yar oo aan ahayn kuwa go’aamada xukuma ee kooxda. Iibsashada saamiyadan kama dhigna in Modric uu joojinayo xirfadiisa ciyaareed – wuxuuna weli kasii ciyaari doonaa Real Madrid.

Modric ayaa heshiiskiisu ku eg xagaagan, balse waxa uu doonayaa inuu ka fariisto kubadda cagta isagoo xiran maaliyadda Real Madrid, waxaana suuragal ah inuu hal sano oo dheeri ah ku kordhiyo joogitaankiisa Bernabeu haddii heshiis laga gaaro.

Go’aankiisa ku saabsan mulkiyadda Swansea ayaa dad badan la yaab ku noqday, maadaama kooxda haatan ku jirto kaalinta 12-aad ee horyaalka Championship-ka Ingiriiska. Tallaabadan ayaa muujinaysa in Modric – oo ku guuleystay Ballon d’Or sanadkii 2018 – uu bilaabay qorsheynta noloshiisa kadib ciyaaraha.

Bishii November, Jason Levien iyo Steve Kaplan oo muddo 8 sano ah haystay milkiyadda ugu badan ee Swansea, ayaa iska iibiyay saamiyadoodii ugu weynaa. Waxaa saamiyadaas la wareegay Andy Coleman, Brett Cravatt, Nigel Morris iyo ganacsade Jason Cohen.

Intii uu Modric ciyaaryahan ka ahaa Tottenham Hotspur, waxa uu si buuxda u dheelay labada kulan ee uu la ciyaaray Swansea – kulan barbar dhac 1-1 ah bishii December 2011 iyo guul 3-1 ah bishii April 2012.

DEG DEG: Luka Modric Oo Noqonaya Mulkiile Koox Caan Ah

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -