Waabariguu Saaka Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil ayaa weeraray Dalka iiraan gaar ahaan Magaalada Tahrab ee caasimada Dalkaasi,weerarkaasi oo la filaayay maalmihii ugu danbeeyay.
Ciidamada Israa’iil ayaa ka hadlay weerarkaani waxayna sheeggeen in ay duqaymo ku hayaan bartilmaameedyo millatari oo ku yaalla dalka Iran, taas oo ay uga jawaabayaan waxa ay ku sheegeen weeraro hore uga yimid dhanka Iiraan.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Iran weerarka lagu qaaday kadib, Qaraxyo dhowr ah ayaa laga soo sheegay agagaarka Tehran.
Nidaamyada difaaca cirka ayaa ka hawlgalay caasimadda Iiran ee Tahran iyadoo warbaahinta Iran ay soo warinayso in aan la garaacin mid ka mid ah goobaha militariga ee ay leeyihiin Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).
Muuqaalka Tahran weerarka kadib ayaa sidan ahaa waana sawiro aan ka soo xiganay Aljazeera,mana ka muuqdaan wax raad burbur ah sidii Beirut oo kale madaama Iran Nidaam Difaac leedahay.
Wixii war ka soo kordha weerarkaan waxaan ku soo gudbineynaa wararkeena xiga insha Allah.
XAFISKA WARARKA
DAYNIILE.COM