DAYNIILE.COM (DAYNIILE.COM)-Tiro hoobiyayaal ah ayaa la soo sheegayaa in goor dhaw ay u dhaceen xerada xalane ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ah xarunta shisheeyaha iyo ciidamada Midowga Afrika intaba.
Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaan lagu garaacay Xalane iyadoo qaar ka mida ay ku dhaceen sida aan wararka ku helnay meel u dhow halka shaqaalaha Qaramada Midoobay ay diyaaradaha karaacaan taasoo loo yaqaan Movcon.
Xalane waxaa degan diblomaasiiinta shisheeye waxaana ku yaal safaaradaha reer Galbeedka waaana meel aad loo ilaaliyo oo xitaa muwaadiniinta Somaliyed geli karaan.
Weerarkaan ayaa ku soo aadaya xili shalay Qarax miino lagu weeraray kolanyadii gaadiid ee Madaxweyne Xasan galbineysay markaasoo uu ku sii jeeday furimaha hore ee dagaalka Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM