No description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Degmooyin ka mida Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw oo caawada lagu garaacay hoobiyayaal dhowr ah kuwaasoo xaafado iyo goobo ganacsi ku kala dhaceen.

Advertisement

Hoobiyayaashaan oo aan la aqoon meesha laga soo riday iyo cida soo riday ayaa wararka horu dhaca ah waxay sheegayaan inay ku dhaceen Xaafado ka mida degmooyinka Yaaqshiid iyo Xamarweyne.

Ilaa iyo hada wax khasaare ah lama soo sheegin inta laga war-hayo balse guri ku yaal degmada Xamarweyne ayaa qeybo ka mid ahi burburey kadib madaafiicda markii ay ku dhaceen.

Dhanka kale war Dowlada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in qaraxyada caawa la maqlayo ay yihiin baco dheemish ah oo aysan jirin wax hoobiyayaal ah.

Wixii ka soo kordha wararkeena danbe ayaad kala socon kartaan insha Allaah gaar ahaan hadii dhibaato uu geystay iyo hadii Saraakiisha Booliisku war ka soo saaraan intaba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here