Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin ayaa goor dhaw shaaciyay inay siyaasada ku kala tageen Madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay isbahaysi siyaasadeed ahayeen.

Talaabada uu qaaday Fahay Yaasiin waxay caqabad ku tahay hamigii Farmaajo ee ahayd inuu mar kale ku soo laabto xilka Madaxweynaha Soomaaliya madaama  uu hore sidaas oo kale Farmaajo uga tagay Siyaasi Cali Yarre Cali.

Advertisement

Fahad Yaasiin iyo Cali Yarre waxaa la rumeysnaa inay garab weyn siyaasada ku siin jireen Farmaajo laakiin hada waxaa muuqata in garbihiisa ay ka baxeen laba nin oo miisaan ku leh dhanka abaabulka iyo kaanbeynka marka la raadinaayo xil madaxweyne.

Qoraal uu Fahad yaasiin soo dhigay baraha bulshada ayaa sidan u qornaa:-

Waxaan muddo ka badan 10 sano saaxiibo siyaasadeed ahayn Madaxweynihii 9aad ee dalka Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, sidoo kalena muddo ka badan 5 sano maamulkii uu hoggaaminayay kasoo qabtay xilal kala duwan oo ii sahlay inaan dalkayga iyo dadkayga si hufan oo daacadnimo ah ugu soo adeego.

Anigoo dhawraya waayahaas wanaagsanaa ee aan isla soo marnay, misana ilaalinaya dhaqanka suubban, kana fogaanaya inaan faahfaahin ka bixiyo sababaha, waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa go’aannadan soo socda;

1. Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.

2. Waxaan la yeelan doonaa dhammaan saaxiibada aan talo wadaagga nahay wada tashi iyo kulamo looga arrinsanyo ambaqaadka cusub, waana idin la soo wadaagi doonaa xilliga ku haboonaato.

3. Waxaan si mug iyo maqaam buuxa leh uga mahadnaqayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo masuuliyadihii uu ii igmaday iyo kalsoonidii uu isiiyay intii uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan.

4. Waxaan raalli galin buuxda siinayaa cid walba oo dhibsata go’aankan ama lama filaan ay ku noqoto, waxaanse ugu qalbi qaboojinayaa in tallaabadan ay tahay mid danta guud ee qaranka u adeegaysa, kana fog danaysi shakhsi ah.

Fahad Yasin.

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka

May be an illustration of text

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here