Duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen Israa’iil ayaa lagu burburiyay dhismo shan dabaq ka kooban oo hoy u ahaa qoysas barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Gaza ee Beit Lahiya, waxaana ku dhintay ugu yaraan 77 falastiiniyiin ah dhowr iyo toban kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Hogaamiyayaasha dunidu waxay dhaleeceeyeen mamnuucida Israel ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka iyo Shaqada ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA), iyagoo ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan karin, sharci darro ah iyo wax aan ka yarayn ciqaab wadareed.
Wasaaradda caafimaadka dadweynaha ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 60 qof lagu dilay duqaymaha Israa’iil ee bariga Lubnaan, taasoo ka dhigaysa maalintii ugu dhimashada badneyd gobolka tan iyo markii ay cirka isku sii shareertay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah.
Gaza, ugu yaraan 43,020 qof ayaa lagu dilay 101,110 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii ay socdeen weerarrada ay Xamaas hormuudka ka tahay, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
Dalka Lubnaan, ugu yaraan 2,710 qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 127 carruur ah, ayaa lagu dilay 12,592 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka Qaza billowday.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM