NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Kuxigeenka ergeyga Dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa shirka Golaha amaanka ee QM Caawa kaga dhawaaqay go’aanka ugu dambeeya ee Dowlada Somalia marka la eego Itoobiya inay ka mid tahay howlgalka cusub ee badalaya Atmis  iyo inkale.

Masuulkaani Somalia ku matala QM wuxuu cadeeyay Caawa in Dowlada Itoobiya ciidamadeeda aysan ku jirin howlgalka cusub ee 2025 badeli doona howlgalka ATMIS oo Itoobiya ay ku soo jirtay dhowr iyo toban-kii sano ee la soo dhaafay.

Advertisement

Go’aankaan ay Dowladda Soomaaliya Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uga horsheegtaya ayaa soo ajari doona xad-gudubyada ciidamada Itoobiya ay ka geystaan gudaha gobolada dalka Somalia madaama ay Dowlada Somalia iyo shacabkeedaba ugu soo gabato howlgalka ATMIS.

Go’aanka Dowlada Somalia oo hore ay u shaacisay dhowr bilood ka hor balse hada la xaqiijiyay ayaa ka dhashay khilaafka soo kala dhex galay labada dal ee Somalia iyo Itoobiya kadib heshiiskii is agaradka sharci darada ahaa ee dhex-maray Maamulka Somaliland iyo Itoobiya kaasoo dhigaayay in Bada Somalia laga kireeyo Itoobiya sidoo kalana saldhig Milaterina laga siiyo gaar ahaan xeebaha Lug-haya ee dhanka Somaliland taasoo ka careysiisay Dowlada Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here