KISMAAYO (DAYNIILE.COM)– Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xaalada Kismaayo saaka kacsan tahay gaar ahaan xaalada garoonka diyaaradaha Kismaayo kadib markii uu aad u xoogeystay khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Maamulka Jubland iyo Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maanta uusan shaqeyneyn garoonka diyaaradaha Kismaayo iyadoo lagu arkay ciidamo dheeraad ah oo maamulka Jubaland uu saaka geeyay garoonkaasi.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowlada Somalia ay Ciidamada ATMIS ka dalbatay inay garoonka diyaaradaha Kismaayo amnigiisa kala wareegaan maamulka Jubaland taasina ay keentay in ciidamo dheeraad ah Jubaland ay geyso garoonka.
Warar kale ayaa sheegaya in taliska Atmis ee Kismaayo uu diiday dalabka Dowlada Somalia iyagoo u muujiyay inaysan diyaar u ahayn qaadista talaabo nuucaasi ah.
DAYNIILE.COM