MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw abaare 10-ka barqanimo ee saaka uu dagaal ka dhex qarxay gudaha xabsiga.

Dagaal-ka ayaa ku bilowday walxaha qarxa kadibna rasaas xoogaan ayaa xigtay waxaana la isku hayaa gudaha xabsiga,dagaalka ayaa u dhexeeya ilaalada xabsiga iyo maleeshiyaad weerar soo qaaday.

Advertisement

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iyadoo wararka qaar sheegayaan inay Alshabaab yihiin waxa werarka soo qaaday ,sidoo kale waxaa jira shaki ah in gudaha xabsiga ay hub ku heysteen maleeshiyaadka weerarka soo qaaday inkastoo war sugan aan laga heyn.

Ma cada in Alshabaab ku lug leeyihiin dagaalkaan,iyadoo wararka horu dhaca ay sheegayaan in laga cabsi qabo in qoloda weeerarka soo qaaday ay doonayaan inay maxaabiis kala baxaan xabsiga walow amniga uu yahay mid adag.

Ciidamo gurmad ah oo Dowlada ka tirsan ayaa xabsiga dhankiisa u ruqaansaay,wixii war soo kordha wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here