BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa saaka kooxda Daacish waxay ka saareen magaaladii ugu muhiimsaneyd oo ay mudaba gacanta ku haysteen.
Daraawiishta Puntand oo guushaani u tahay mid taariikhi ah tan markii ay bilaabeen howlgalka ay ugu magac dareen ciribtirka argagaxisada Daacisha ayaa waxaa laga helayaa sawiradii ugu dambeeyay goobaha ciidamadaani maanta kala wareegeen kooxdaasi.
Magaalada Tuurmasaale ee buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari ayay ciidamadu si buuxda uga saareen dagaal-yahanada Daacish taasoo u ahayd magaalo istaraatiiji ah marka la eego jiritaankooda iyo inay buuraha ku sii baaqi noqon kaaraan.
Magaaladaani Tuurmasaale waxaa la soo sheegayaa inay ahayd udub dhexaadka isku xirka deegaanada ay Daacish kaga suganeyd buuraha gobolka Bari taasoo laga yaabo inay soo gabagabeyn karto guud ahaan howlgalkaani maalka iyo nafta ay ku bixiyeen ciidamada Soomaaliyeed ee reer Puntland.
War ka soo baxay taliska ciidamada Puntland ee dagaalkaasi hogaaminaya ayaa lagu shaaciyay in howlgalkaani lagula wareegay Tuurmasaale ay fuliyeen ciidamo si gaar ah u tababaran kuwaasoo hadafkisu yahay sida ay sheegeen ka sifeynta kooxdaani ee buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM