MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Dowlada Somalia ayaa goor dhaw oo barqadii maanta ah waxay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Kaaraan ku qabteen nin watay walxaha qarxa oo la soo diyaarshay si shacabka oogu dhibaateeyo.
Ninkaan ayaa lagu qabtay meel aad ugu dhaw halkii laba maalin ka hor qaraxa ka dhacay islamarkaana ay dhalinyarada badan ku dhimaneyay ee xaafada Ceelka Cali-Geedi ee Degmada Kaaraan.
Ciidamo Dowlada ka tirsan oo aad u tababaran ayaa ninkaan oo maraya wadada wajigiisa ka shakiyay islamarkaana waxaa u soo baxday inuu dhagar qabe yahay sidaas ayay ku istaajiyeen balse markii la baarayba waxaaba uu sidaa qarax diyaarsan.
Ninkaan wuxuu hada ku jiraa gacanta Hay’adaha amaanka Dowlada Somalia halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo si loo ogaado kooxda kale ee la shaqeysa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM