JALALAQSI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Soomaliya ay goor dhaw oo maanta ah Alshabaab ka saareen deegaano hoos taga Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Deegaannada Al-shabaab laga saaray ayaa kala ah  Buurweyn iyo Show oo ka tirsan Gobolka Hiiraan kadib howlgal ay iska kaashadeen Milatariga Somalia iyo ciidamada dadka deeganka.

Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa warbaahinta Dowlada u xaqiijiyay deegaanada laga saaray Alshabab,masuulkaan ayaa qeyb ka ahaa duulaanka ciidamadu qaadeen.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo kordhayay weerarada Ciidamada Dowlada iyo deegaanada ay Alshabab kala wareegayaan marka loo eego Gobolada kala duwan ee dalka.

Advertisement
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here