MASAAJID CALI-GADUUD (DAYNIILE.COM)-Wararka hada a imaanaya Degmada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal goor dhaw oo saaka ah ka dhacay halkaasi ay Alshabaab ku qabsadeen.
Dagaalka ayaa ahaa mid culus islamarkaana socday saacado ugu dambeyna waxaa magaalada laga saaray ciidamadii Dowlada ee halkaasi ku sugnaa,waxaana u haray kooxda Alshabab.
Gudoomiyaha Degmadaasi Saylax ayaa xaqiijiyay inay ka baxeen magaaladaasi kadib dagaal ay alshabaab la galeen kadib.
Laba sano ka hor ayay ahayd markii Alshabaab halkaasi laga saaray balse maanta ayay dib ugu soo laabteen.
Talaabada Alshabaab ku qabsadeen Degmadaan Masaajid Cali-gaduud ayaa ku soo aadeysa xili Madaxweynaha Soomaaliya uu ku sugan yahay Gobolka Shabeelaha dhexe uuna ka wado abaabul Alshabaab ka dhan ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM