Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ee (JISA) ayaa saacadihii lasoo dhaafay Lagta Caanoole ka fuliyay howlgal lagu baacsanayay maleeshiyaadkii maanta dhagta dhiigga loo daray.

Lagta Caanoole oo ah lag biyomareen ah dhul howd ahna uu ku hareeresanyahay ayey Khawaarijtu naf ka raadisay balse ciidan uu hogaaminayay Col Baadi oo ah sargaal sare oo ka tirsan JISA ayaa halkaasi ka fuliyay howlgal guuleystay, Argagixisadana looga sifeeyay aaggii ay miciin bideen in ay ku dhuumaaleystaan.

Advertisement

Maleeshiyaadka Argagixisada bilihii ina dhaafay waxa ay ciidamada Jubbaland kala kulmeen guuldarooyin xanuun badan, oo ay ku waayeen boqolaal kamida dhalinyarada ay marin habaabiyeen, iyo horjoogayaal qaarkood hataa ay ajinabi yihiin.

XIGASHO JUBALAND MEDIA

XIGASHOJUBALAND MEDIA

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here