CEEL-BARAF (DAYNIILE.COM)- Kooxda Alshabaab ayaa galabta si nabad ah waxay ku qabsadeen deegaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha dhexe kadib duulaan ay ku soo qaadeen iyagoona la kulmin wax iska caabin ah.

Deegaankaan oo gacanta Dowlada ku jirey ayaa la soo sheegayaa in dadka deegaanku aysan wax ka hortag ah sameyn, waxaana caawa ku hooyana kooxda Alshabaab.

Advertisement

Kooxda Alshabaab ayaa saaka dagaalo saf mareen ah waxay ku qaadeen degmada Al-kowthar ,iyo deegaanada kala ah Ceel-Cali Axmed iyo Cali fooldheere oo dhamaantood ka tirsan Shabeelaha dhexe balse markii ay ku soo jabeen kuna hungoobeen damacoodii ayay  galabta ku habsadeen deegaanka ceel-baraf.

Warsaxaaadeedkii Dowladu maanta ka soo saartay dagaaladii saaka ka dhacay Gobolka Shabeelaha dhede ayay ku shaacisay guulo ciidamada Dowada iyo kuwa deegaanku ka gaareen dagaa;ladaasi.

Dowladda Fedaraalka ayaa xustay dagaaladaasi Al-shabaab looga laayay ilaa 130  dagaalame oo saraakiil iyo maleeshiyaad isugu jirey.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here