BUUR-HAKABA (DAYNIILE.COM)-Milatariga Soomaliya oo kaashanaya Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la soo sheegayaa weerar ku qaadeen deegaan ku dhaw Magaalada Buur-hakaba ee Gobolka Bay.
Ciidamada Isbahaysanayay ayaa weerarkooda guul ka gaaray markii ay Alshabaab ka eryeen deegaankaasi oo lagu magacaabo Jameeco islamarkaana 25-KM u jira Magaalada Buur-hakaba ee Xarunta Gobolka Bay.
Saraakiil u hadashay ciidamada duulaanka qaaday ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in howlgalkaasi uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay kooxda  Alshabaab.
dhanka Alshabaab wax wara kama soo bixin intaan la socono kaasoo ay ka hadalaayaan dagaalka looga qabsaday deegaanka Jameeca ee Buur-hakaba hoos taga.

Inta badan Maamul Goboleedyada dalka waxa ka socda dagaalo u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada maamuladaasi oo garab ka helaya kuwa Dowlada iyo kuwa deegaanka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 5 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of camel, elephant and grassMay be an image of 4 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here