Sida aan ka soo xiganay warbaahinta Dowlada Somalia Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa saakay fuliyey howlgal ay Khawaarijta uga xoreeyeen deegaannada Harboole iyo Weelmaro oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa cagta mariyey goobihii gabaadka u ahaa Khawaarijta, waxaana jira khasaare cadowga lagu gaarsiiyey howlgalka saakay ka socda gobolka Jubbada Hoose, ciidamada ayaa ku sii wajahan deegaano hor leh, iyagoo kaabiga ku haya magaalooyinka Xagar iyo Jamaame.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalku uu sidii loo qorsheeyay u socdo, isla markaana ay bulshada faahfaahin ka sii doonaan markii lasoo gabagabeeyo.

Hadaba halkaan ka daawo muuqaal aan ka soo xiganay Raadiyaha Ciidamada ee Dowlada oo lagu faahfaahiyay warkaan:-

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here