KUTUS (DAYNIILE.COM)-Mid ka mid ahaa darwalada baabuurta ee ismaamulka Kirinyaga ee  dalka Kenya ayaa meydkiisa la helay 9 maalin ka dib markii gaari uu  waday uu ku dhacay webiga Sagana River.

Maydka Samuel Kamau Kagwanja oo 41 sano jir waxaa xaqiijiyay dhimashadiis iyo meydiisa a heleyba Taliyaha booliiska ee deegaanka Ndia Moses Koskei.

Advertisement

Sida ay sheegtay Idaacada Star FM meydka waxaa laga helay meel 2 kiilomitir u jirta halkii ay baabuurkiisa biyaha kula tageen.

Taliyaha Moses ayaa sheegay in ciidamada milatariga qeybtooda quusta oo shacabka kaashanaya ay ku guuleysteen inay meydka ka soo saaraan wabiga waxaana la geeyay goobta maydadka la dhigo ee Kibugi funeral home ee Magaalada Kutus .

Gaarigii uu waday darwalka ee ku dhacay wabiga ayaan wali la soo helin kaasoo laftiisu wabiga ku maqan walina waa la baadi-goobayaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here