KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya deegaanada Maamulka Jubaland ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta Jubaland ay saaka fuliyeen howlgal ka dhan ah kooxda Alshabaab.
Ciidamadaan daraawiishta gaar ahaan kuwa loo yaqaan Guutada Birjeex ayaa howlgalkaan si qaas ah waxay uga sameeyeen ah saak deegaano udhow Lagta Caanoole ee gobalka Jubbada hoose oo ay saldhigyo ay ku lahaayeen Alshabaab.
Warar si horu dhac ah ay u soo saareen Maamulka Jubaland ayay ku sheegeen in Howlgalkan khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay kooxdii ay weerareen ee Alshabzaab.
Saraakiisha ciidamada waxay sidoo kale sheegeen inay faah faahinta dib ka soo gudbin doonaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement