KULBIYOOW (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Daraawiishta Jubaland oo wata gaadiid dagaal ayaa la soo sheegayaa inay maanta la wareegeen Magaalada Kulbiyoow ee Gobolka Jubada Hoose halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo taabacsan Dowlada Somalia.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ciidamadii Dowlada ee halkaasi ku sugnaa halka ay aadeen ,wararka qaar ayaa sheegaya inay dhanka xadka Kenya u gud-been ciidamadaasi, halka warar kalana sheegayaa inay deegaano ku dhaw ku sugan yihiin.
Warar kale oo ku saabsan ciidamadaan maanta la wareegay Magaalada Kulbiyow ayaa sheegaya in ka hor inta aysan gaarin dhexda loo galay islamarkaana laga dilay ilaa 5 askari.
Saraakiisha Wasaarada Gaashaandhiga Somalia iyo kuwa Maamulka Jubaland midkoodna kama hadlin dhacdadaani khasaaraha naeed geystay ee wali ay ku sii dagaalamayaan Ciidamada qaranka iyo kuwa maamul Goboleedka Jubaland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM