.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa xalay lagu martiqaaday xaflad casho Sharaf ah oo aad loo soo abaabulay taas oo lagu soo bandhigayay waxqabadka sanadka ee shirkada dhismaha Gabeire A Group (GAG).

Advertisement

Shirkadaan oo ah mid ka shaqeeysa howlaha dhismaha iyo Tignoolajiyada la xiriirta dhismaha ayaa ka howlgasha wadamo badan oo ku yaala qaaradda Afrika.

Howlaha waaweyn oo ay haatan wado Shirkadaan ayaa waxaa kamida dhismaha wado weyn oo laga dhisayo jasiiradda Madagascar, dhismaha buundooyinka, bulaacada & waddooyinka oo iyagana ay ka hergalinayso dalalka Benin, Togo & Jabuuti.

Shirkadaan oo ah mid ay leeyihiin dad Soomaali ah waxa ay gudaha qaaradda Afrika ka qaabaynaysaa mashruucyo wax ku ool ah, iyada oo la dhisayo waddo 250 km ah oo isku xirta magaalooyinka Antananarivo iyo Toamasina ee dalka Madagascar, taas oo sahlaysa isu socodka badeecadaha, adeegyada iyo dadka.

Danjire Jabril oo ka ka hadlay xaflada casho sharafta ayaa ugu hambalyeeyay shirkada Gabeire A Group, guulaha la taaban karo oo ay gaartay.

“Shirkadaan waxa ay tusaale u noqon kartaa Ganacsatada Soomaaliyeed oo loo baahan yahay in ganacsigooda ku baahiyaan dalalka Afrika, sababta oo ah qaaradda Afrika Waxa ay baahi u qabtaan maalgashi iyo ganacsiga dadka Soomaalida”, ayuu yiri Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle

Shirkadaan ayaa in ka badan 500 oo shaqaale a xirfad leh shaqaaleeysiisay. Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ah mid si buuxda ugu fidaayo dalka bariga iyo Bartamaha Afrika.

Sidoo kale Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa bilihii uu joogay safaarada Somaliya ee Kenya, waxa uu wadaa dhiiri galinta Somalida joogta Kenya oo gamacsiyo kala duwan ku leh Nairobi iyo Gobolada Kenya, waxa uuna marar badan imaaday xaafada Somalida dagto ee islii

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi  kenya

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here