Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Ruushka Mudane Mohamed A. Zubeyr ayaa kulan maqaamkiisa sareeyo la qaatay Madaxa Jamhuuriyadda Tatarstan ee dalka Ruushka Mudane Rustam Minnikhanov, Waxay kawada hadleen arrimo badan oo ay ka faa’iidaysan doonaan Tatarstan iyo Soomaaliya.
Tatarstan waa Dowlad Goboleed qoomiyado badan iyo dhaqamo kala duwan leh oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​45% Muslimiinta, Waa mid ka mid ah dawladaha ugu qanisan Ruushka oo leh fursado badan, Danjire Zubeyr ayaa aad ugu hawlan inuu sahmiyo dariiqooyinka iskaashiga ee faa’iidada wadaagga ah.




Advertisement