Garoowe: 27 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Qoraa Maxamed Ciise (Trunji), oo Puntland u yimi inuu ka qeybgalo Doodaha Dowlad dhiska Soomaaliya ee Hay’adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomey Qoraa Trunji, Labo Buug oo kala ah Taariikhdii Soomaaliya (1941-1969) iyo Buugga uu ka qoray Noloshii iyo Waxqbadkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaah ha u naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan.

Advertisement

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here