Waxaa mar kale Dalka Liibiya laga helay medyadka dad tahriibayaal ahaa kuwaasoo 

Ciidamada Liibiya oo sanadahaan danbe aad dab-gal ugu hayay kooxaha wax tahriibaya iyo kuwa magafayaasha loo yaqaan ayaa soo saaray oo helay meydadka 11 ruux kuwaasoo oo hal god inta lagu riday lagu aasay.

Advertisement

Sarkaal ka tirsan ciidamada Liibiya ee helay meydadka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dhacdadaani ay ka dhacday koofurta-bari ee dalka Liibiya.

Sidoo kale xeer-ilaaliyaha guud ee Dalka Liibiya ayaa Axadii sheegay in laamaha amniga ay ilaa 28 kale meydad ah heleen taasoo tirada guud ka dhigeysa in laga helay ilaa 55 qabri meydad gaaraya 39 ruux.

Dhanka kale Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa warbaahinta u sheegtay in meydad laga helay laba xabaala wadareed jirkooda ay qabeen dhaawacyo rasaas ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here