May be an image of 14 people and text
MANAAMA (DAYNIILE.COM)-Soomaaliya iyo dalal kale oo iskula jira Jaamacada Carabta ayaa iska soo qaaday dhanka warbaahinta inay mowqif cad ka yeeshaan marka la eego qadiyada Falastiin gaar ahaan xaalada Gaza.

Shirka wasiirrada warfaafinta jaamacadda carabta ee ku qabsoomay caasimadda Dalka Baxreyn ee  Manaama ayay Dalalka Carabtu isku raceen inay ku midoobaan qadiyada Gaza marka la eego habka warbaahintu warka u dhigto.

Daauud Aweys oo ah Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo wareysi siiyay BBC-da laanteeda afka Somalia ayaa sharaxaad ka bixiyay heshiiskaasi oo ay Soomaalidyu qeyb ka yihiin.

Wasiir Dauud wuxuu sheegay in Carabtu isku raacday in xaga warbaahinta garab istaag hagar la’aan ah loo muujiyo shacabka reer Falastiin gaar ahaan kuwa Marinka Gaza.

Advertisement

“Shirka dhowr ajande ayaa looga hadlaayay balse waxaa ugu weyneyd oo ahmiyad gaara la siiyay tabinta wararka marinka Gaza,waxaan isku racnay in carabtu garab istaagaan walaalahooda reer Falastiin marka la eego habka tabinta dagaalada Gaza”ayuu yiri Wasiir Daauud.

Wasiirka wuxuu intaasi ku daray in shirka lagu soo qaatay boqolaalka wariyayaal ee lagu dilay Gaza marka  laga reebo shacabka taasina  ay cadeyneyso in Yuhuudu doonayaan in la qariyo wararka xaqiiqada ah ee ka jira marinka Gaza.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of ‎6 people, dais and ‎text that says "‎N جمهورية الصومال الفيدرالية الية‎"‎‎

May be an image of 3 people and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here