Maanta oo ku beegan 28-ka May waa maalintii ay balan qaadeen dalalka Ireland, Norway iyo Spain inay si rasmi ah u aqoonsan doona dowladda Falastiin.

Dowladahaan ayaa aaminsan in aqoonsigaan uu soo dedejin doono xasilooni iyo nabad waarta oo ay helaan shacabka reer Falastiin ee mudada ;la gumaadayo ilaa haatana xasuuqu ku socdo.

Advertisement

Saddexda Dal  ee reer Yurub waxay rajeynayaan in ficilkaani  uu diiradda saari doono baahida loo qabo in la soo afjaro tobanaan sano oo dagaal ah yo soo nooleynta xal laba dawladood ah oo Israel iyo Falastiin ah.

Maamulka Yuhuuda oo ka careysan talaabada dalalkaasi qaadeen ayaa u yeertay safiiradii ka joogay sedexdaasi dal.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here