Xilli ay Soomaaliya horay u caddaysay mowqidkeeda ku aaddan xalalka Falastiin iyo maamulka Israa’iil, islamarkaana ay sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiin yeelato ayaa Danjiraha dalkaas Soomaaliya u fadhiya Dr. Ruwayd Abuu Cumayshah wuxuu magaalada Muqdisho ka wadaa kulamo uu la yeelanayo madaxda dalka.

Danjiraha ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiin uu kamid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Advertisement

Masuuliyiintan uu Safiirku la kulmay ayaa u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u garab taagantahay dhismaha dowladda Falastiin iyo xaqa ay shacabkeedu u leeyihiin inay ku noolaadaan gobonimo iyo xasillooni waarta.

Safiirka falastiin ayaa dhankiisa uga mahadceliyay madaxda iyo dadweynaha Soomaaliyeed garab istaagga Falastiiniyiinta, wuxuuna Soomaaliya ugu hambalyeeyay in ay ku guulaysatay ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka QM.

Soomaaliya ayaa weligeed si buuxda u taageersanayd dadka falastiiniyiinta ah, balse haatan dowladda Soomaaliya waxay kamid tahay golaha ammaanka, waxayna leedahay cod iyo soo-jeedin la aqbalayo oo ay cidday rabto ku taageeri karto, taas oo uu danjire Ruwayd Abuu Cumayshah ku tilmaamay mid faa’iido weyn u leh dadka reer Falastiin.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here