HomeWarkiiDal-xiisayaal lagu xasuuqay Kashmiir dhanka India Maamusho

Dal-xiisayaal lagu xasuuqay Kashmiir dhanka India Maamusho

Kashmir attack live: India searches for gunmen after 26 killed in PahalgamKASHMIR (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan ayaa la soo sheegayaa inay dad dalxiisayaal ah ku laayen gobolka Kashmiir dhanka Dalka Hindiya ay maamusho.

Kooxahaasi hubeysan ayaa 26 ruux waxay ku dileen Pahalgam oo ka tirsan gobolka Kashmiir dhanka Hindiya ay maamusho.

Ciidamada ammaanka ee Hindiya ayaa baadigoobaya dableydii ka dambeysay weerarkaasi dhimashada badan iyadoona dal-xiisayaasha la laayay ay dhamaantood yihiin rag.

Sida wararku tilmaamayaan dhacdadii ayaa noqoneysa tii ugu dhimashada badneyd muddo tobanaan sano ah oo ka dhacda gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir.

Raiisel wasaare Narendra Modi, oo soo gaabiyay booqasho qaran oo uu ku joogay Sacuudi Carabiya, ayaa dhalleeceeyay falkaani foosha xun, wuxuuna ballan-qaaday in kuwii weerarka geystay la soo taagi doono sharciga.

Koox yar oo caan ah, iska caabinta Kashmir, ayaa fariinta baraha bulshada ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin in in ka badan 85,000 Dibad-joog ah la dejiyay gobolka, taasoo keentay isbeddel bulsho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -