CADDALLE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Geel-gub ee hoos taga Degmo xeebeedka Caddalle ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in saaka uu halkaasi dagaal ka qarxay kaasoo u dhexeeya ciidamada Dowlada Somalia oo garab ka helaya kuwa macawisleyda iyo Alshabaab oo dhanka kale ah.
Dagaalka oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isu adeegsanayo ayaa la soo sheegayaa inay weerarka qaadeen ciidamada Dowalda oo wata gaadiid dagaal iyo ciidamo badan.
Labada dhinac waxay dagaalka isu adeesanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo durba la soo sheegayo khasaare nafeed oo dhionacyada soo kalay gaaray, sidoo kale ciidamada Dowlada ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray weerarkooda.
Dagaalka Shabeelaha dhexe ka qarxay ayaa ku soo aadaya xili maalmihii ugu dambeeyay dagaaladu u weecdeen dhanka Gobolka Hiiraan iyadoo shalay saraakiil sar sar ay Dowlada uga dhinteen dagaaladaasi gaar ahaan deegaanka Abooreey oo labada dhinac isku riiqmeen.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalka oo dhowr jiha ay ciidamada Dowladu ka qaadeen ay goor dhaw ku guuleysteen inay maleeshiyaadka Alshabaab ka saaraan.
Dhanka kale faah-faahinta dagaalka saaka ka socda Gobolka Shabeelaha dhexe wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM