Inkastoo masuuliyiinta labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug ay sameeyeen dadaalo nabadeed oo ayna joojiyeen dagaalkii galbeedka Gobolka Mudug dagaalo kale ayaa shalay ka dhacay bariga Mudug.

Dagaalka shalay ka dhacay bariga Mudug waxaa uu u dhexeeyay beelihii walaalaha ahaa ee dariskana ahaa waxaana la sheegay inay dad badan ku dhinteen iska hor imaadaakaasi.

Advertisement

Sida ay sheegtay idaacada VOA-da Inta la xaqijiyay 10 qof ayaa dhimatay tiro kalana way ku dhawacmeen dagaalka shalay ka dhacay waqooyi bari ee gobalka Mudug.
hhh

Dagaalkaani dhanka bari ee Mudug ka dhacay wuxuu salka ku hayaa dilal horey uga dhacay deegaano hoos taga Afbarwaaqo.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland wali ma quusan waxayna wadaan dadaalo sidii ay ku soo afjari lahaayeen dagaaladaasi dadka walaalaha ku soo noqnoqday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here