HomeWarkiiDagaalkii Deegaanka Abooreey oo dib u qarxay

Dagaalkii Deegaanka Abooreey oo dib u qarxay

BUULA-BURDE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Abooreey ee hoos taga Magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu dib u bilowday dagaalkii u dhexeeyay Dowlada iyo Alshabaab.

Dagaalka ayaa galay maalintii 3-aad oo xiriir ah waxaana la soo sheegayaa in maanta ay weerar soo qaadeen Alshabab oo shalay lagu jabiyay dagaalka islamarkaana laga saaray deegaanka inta badan.

Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa la soo sheegayaa inay isu adeegsanayaan xili ciidamada Dowlada iyo kuwa macawisleyda ay iska difaacayaan Alshabaab oo istaraatiiji u aragta deegaankaani.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Xoogga Somalia  Odawaa Yuusuf Raage ayaa ku sugan deegaanka Abooreey kadib markii uu shalay gaaray halkaasi isagoo ay la socdeen ciidamo uu gurmad ahaan u keenay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -