WARGAADHI (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa saaka aroortii waxay duulaan qaraxyo ku bilowday ku qaadeen deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo ah saldhiga laga hago dagaalada gobolka shabeelaha dhexe kadib qabsashadii Aadan Yabaal.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayay labada dhinac waxay isu adeegsadeen hubka nuucyada kala duwan iyadoo saacado kadib alshabaab bilaabeen inay sheegtaan guulo iyo inay qabsadeen degaanka wargaadhi.
Alshabaab waxay si gaar ah ugu faanayaan inay qabsadeen saldhigii ciidamada Xooga dalka sida Danab iyo Gor-gor inkastoo saraakiisha Dowlada ay beeniyeen sheegashada Alshabaab.
Warka dhanka Dowlada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in la fashiliyay weerarka Alshabaab soo qaadeen islamarkaana meydadkooda uu daadsan yahay daafaha deegaanka Wargaadhi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM