Cabsi xooggan ayaa laga muujiyay dagaalka ku saleysan dhinaca qowmiyadaha ee Dalka Itoobiya, khubarro baaris ku sameeyay arrintaan ayaa soo bandhigay in isticmaalka qaldan ee Baraha Bulshada ay tahay arrinta ugu weyn ee dhiillada sii kordhin karta.

Waxa ay soo jeediyeen in Dowladda Federaalka Itoobiya ay xoogga saarto adkeynta dhinaca xogaha Baraha Bulshada si looga hortago burbur xooggan oo uu majaha la galo Dalkaan dagaalladu ragaadiyeen sanadihii dambe.

Advertisement

Itoobiya oo colaadda kahor adkeyd in la helo xogaha dhabta ah waxaa jabay xeendaabkaas kaddib markii Dowladda dhexe ay dagaal kala hortagtay Ismaamullada ku dhisan nidaamka Qowmidayaha ee Dalkaas.

Marar badan waxaa Baraha Bulshada lagu arkay qowmiyadaha qaar oo burburinaya dhul baaxad weyn, qaarkood oo gacanta ku dhigay ciidanka Federaalka iyo muuqaallo kale oo uga sii dari kara Xaaladda Dalka Itoobiya.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here