Sida aan ka soo xiganay raadiyaha ciidamada Dowlada waxaa horumaro laga sameeyay dagaalada ka socda Gobolka Hiiran kaasoo u dhexeeya ciidamada Dowlada iyo Macawisleyda deegaanka oo iskaashanaya iyo kuwa Alshabaab.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa macawisleyda deegaanka ayaa la soo sheegayaa inay gacanta ku dhieen guud ahaan Deegaandii shalay lagu dagaalamay ee dhaca Jiinka Wabiga Shabelle ee Gobalka Hiiraan.
Sidoo kale ciidamada iskaashanaya waxay isku fidiyeen dhul balaaran oo ku teedsan halkii ay ka saareen Dagaalamayaasha Alshabaab.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in Ciidamada Dowlada ay xaqiijiyeen howgalo miino baaris iyo ka saaris ka sameeyeen goobihii ay alshabaab ka qabsadeen.
Hogaanka Ciidamada ka dagalamaya Gobolka Hiiraan ayaa u sheegay warbaahinta inayu dagaalka ku dileen xubno ajaanib ahaa oo Al-shabaab ka barbar dagaalamayay.
Howlgalkaan oo maalmo dhowr ah socda waxaa hogaaminaya Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar oo Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya, ergayga Madaxweyne Xassan u qaabilsan arimaha ciidanka Macawisleyda Deegaanka Cali Cusmaan Jayte iyo Taliyaha Guutada 5-aad ee Ciidamada Milateriga Somalia Col. Baakaay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement