Sida warbaahinta dowlada lagu shaaciyay Ciidamada deegaanka Mabaax, oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa galabta Maqribkii weerar qorsheysan ku qaaday koox Khawaarij ah oo isku uruursatay aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkaasi waxaa ka dhashay dagaal culus oo khasaare weyn lagu gaarsiiyay Khawaarijta.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay dileen tiro badan oo Khawaarij ah, howlgalkaasna uu u dhacay sidii loo qorsheeyay. Sidoo kale, waxay sheegeen inay ku guuleysteen ka hortagga dhagartii cadowgu halkaas ka maleegayay.
Waxaa haatan socota qiimeyn ku saabsan khasaaraha lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyadoo saraakiishu noo sheegeen in meydad badan ay yaallaan goobta dagaalka oo ku taalla inta u dhexeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal.