HomeWarkiiDagaalka cusub ee ka dhex qarxay Maamulka Somaliland iyo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Dagaalka cusub ee ka dhex qarxay Maamulka Somaliland iyo Madaxweyne Xassan Sheekh.

No description available.HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Dagaal siyaasadeed  cusub ayaa mar kale ka dhex qarxay Mamulka waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliland iyo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud kadib markii dhawaan ay soo shaac baxday wararka sheegaya in Madaxweynaha Somalia uu Mareykanka siiyay Dekadaha Berbera iyo Boosaaso si uu uga hortago in Trump uu aqoonsado Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa si degdeg ah uga jawaabay talaabada uu qaaday Madaxweynaha Somalia waxayna ku dhawaaqeen inuusan marnaba Madaxweynaha Somalia hor istaagi karib aqoosni uu helo Maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliand waxay sheegeen in Dowlada Somalia tahay mid fashilantay islamarkaana aan xukumin Dekadaha ay leeyihiin reer Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi mar ay ka hadleen waxay  xuseen in Somaliland ay tahay dal Xor ah oo dunida la macaamila .
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland oo isna si adag uga hadlay ayaa sheegay in Dekada Ber-bera ay aqoonsi u goyneyso Somaliland madaama uusan isagu maanta xukumin berbera.
“Berberi, Somaliland Aqoonsi ayey u goynaysaa adigu Xasan Sheekhow Mitirkaad xukumaysay ayaa lagaa haystaa, waana la dhaafay wakhtigii qiimaha Berbera lagu dhisi jiray dhulka kale ee Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -